Shuruudaha & Xeerarka Adeegsiga Sombooking (Terms of Service)
Kusoo dhawaada Sombooking. Isticmaalkaaga madashan wuxuu ka dhigan yahay inaad ogolaatay dhammaan qodobada iyo xeerarka hoos ku xusan.
1. Sharciga Akoonka & Diiwaangelinta
- Waa inaad bixisaa macluumaad sax ah oo dhab ah marka aad is diiwaangelinayso.
- Qof kasta wuxuu mas'uul ka yahay amniga eray-sirta akoonkiisa iyo wixii dhaqdhaqaaq ah ee ku dhex mara akoonkaas.
2. Mas'uuliyadda Xayaysiisyada & Kireynta
- Mulkiilaha ama dilaalka soo gelinaya guri, hoteel, ama adeeg wuxuu xaqiijinayaa inuu xaq sharci ah u leeyahay xayaysiinta hantidaas.
- Lama ogola waxyaabo been abuur ah, sawirro marin habaabin ah, ama macluumaad aan run ahayn. Xayaysiisyada noocaas ah waa la tirtirayaa akoonkiina waa la xannibayaa.
3. Lacagaha & Khidmadaha
- Khidmadda adeegga waxaa lagu bixiyaa hababka lacag bixinta ee madashu taageerto (Zaad, Sahal, E-Dahab, Waafi, USDT).
- Heshiisyada kireynta waxaa si toos ah u kala saxiixanaya kiraystaha iyo kirayada, Sombooking waxay fududaysaa isku xirka labada dhinac.
4. Xuquuqda Wax Ka Beddelka
Sombooking waxay xaq u leedahay inay cusboonaysiiso ama wax ka beddesho shuruudahan xilli kasta iyadoo ku wargelinaysa isticmaalayaasha barta.