Talooyinka Badbaadada ee Sombooking (Safety & Security Tips)
Sombooking waxaa ka go'an inay ilaaliso amniga, daahfurnaanta iyo xasiloonida dhammaan isticmaalayaasha goobtan markay kireysanayaan guryaha, hoteellada, ama adeegyada kale.
1. Hubi Qofka ama Ganacsiga Kahor inta aadan Heshiin
- Toos u kormeera guriga ama adeegga aad kireysaneyso kahor inta aadan bixin wax lacag ah.
- Hubi in qofka aad la heshiinayso uu haysto aqoonsi dhab ah ama uu yahay dilaal/shirkad rasmi ah oo la aqoonsan yahay.
- Ha aaminin dalabyo qiimahoodu aad uga hooseeyo suuqa caadiga ah oo lagu weydiinayo lacag hormarin ah oo degdeg ah.
2. Lacag Bixinta iyo Amniga Maaliyadeed
- Weligaa lacag toos ah ha u xawilin qof aadan wajihiisa arag ama aadan booqan dhismihiisa/hoteelkiisa.
- Isticmaal nidaamyada lacag-bixinta rasmiga ah sida Zaad, Sahal, E-Dahab, ama Waafi oo diiwaangeli tixraaca lacag bixinta (Transaction ID).
- Sombooking mas'uul kama aha heshiisyo ka baxsan madasha oo la sameeyo iyada oo aan la raacin shuruudaha badbaadada.
3. Soo Sheegista Xadgudubyada
Haddii aad aragto wax shaki ku jiro ama qof isku dayaya been abuur, fadlan toos noola soo xiriir adigoo adeegsanaya bogga Nala Soo Xiriir ama WhatsApp-ka taageerada macaamiisha.